Jorginho oo ka warbixiyay sirta ka dambeysa inuu iska diido ku biirista kooxda Manchester City

(Chelsea) 28 Sab 2018. Ciyaaryahanka khadka dhexe ee kooxda Chelsea Jorginho ayaa shaaca ka qaaday sababta uu u diiday inuu u dhaqaaqo Manchester City intii lagu jiray suuqii xagaaga.

Waxaa xusid mudan in laacibkii hore kooxda Napoli ee Jorginho uu ku dhawaaday ku biirista Manchester City, kahor inta uusan go’aankiisa badalin si uu ugu biiro kooxda Chelsea.

“Waxaa jiray waxyaabo badan ee ka dambeeyay wada hadalada, waxaana filayaa in imaatinka Maurizio Sarri ee kooxda Chelsea ay door weyn ka qaadatay inaan u dhaqaaqo Blues”.

“Waxaa intaas sii dheer taariikhda kooxda Chelsea, xaaladahaasoo dhan waxay iga caawiyeen inaan go’aansado ku biirista garoonka Stamford Bridge”.

“Xiriir fiican ayaan la leeyahay Maurizio Sarri, markasta wuu ila kaftamaa, laakiin wax xiriir ah ma uusan ila sameynin kahor inta aanan saxiixin heshiiska kooxda Chelsea, sababtoo ah ma ahan nooca xiriirka la sameeya ciyaartoyda, laakiin wakiilada ayaan ka ogaaday inuu aad ii xiiseenayo”.

 

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close