Arsenal oo badalka Aaron Ramsey ka heshay La Liga

(London) 28 Sab 2018 Tababaraha kooxda Arsenal ayaa horyaalka Spain ka calaamadaystay badalka xiddiga reer Wales ee Aaron Ramsey.

Wadahadalkii heshiis kordhinta ee Arsenal ay kula jirtay 27 jirkaan ayaa burburay, kooxda ayaana qorshaynaysa inay iska iibiso suuqa Janaayo.

The Sun ayaa daaha ka qaaday in tababare Unai Emery uu arkaday xiddiga kooxda Sevilla iyo xulka Argentina ee Ever Banega.

Gunners ayaa isku dayday saxiixa Ever Banega suuqii xaggaaga, laakiin heshiiska ayaan dhamaystirmin, Unai Emery ayaana dalban doona 30 jirkaan haddii uu waayo Ramsey bisha Janaayo.

Xiriir aad u wanaagsan ayaa ka dhexeeya Unai Emery iyo Ever Banega maadaama uu tababare ugu ahaa kooxda Sevilla.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close