“Waxay ahayd inaan badalo Cristiano Ronaldo kulnkii Bologna”….Massimiliano Allegri

(Juventus) 27 Sab 2018. Massimiliano Allegri ayaa qiray inuu qorsheenayay inuu badalo Cristiano Ronaldo qeybtii labaad kulankii xalay ay ku wada ciyaareen Bologna horyaalka dalka Talyaaniga.

Cristiano Ronaldo ayaa ku fashilmay inuu gool ka dhaliyo kulankii Bologna, balse wuxuu caawiyay goolkii uu dhaliyay saaxiibkiis Blaise Matuidi, balse Allegri ayaa ku dhawaaday inuu badalo inta lagu jiray qeybta labaad.

“Waxay ahayd inaan badalo, laakiin wuxuu doonayay inuu gool dhaliyo, wuxuuna u ciyaaray si wanaagsan”.

“Ka ciyaaristaa horyaalka dalka Talyaaniga waa mid aad u adag, laakiin waxaan ku qancsanahay wax qabadka ilaa iyo haatan uu kooxda ka sameeyay Cristiano Ronaldo”.

Waxaa xusid mudan in Cristiano Ronaldo uu ilaa iyo haatan ku dhaliyay maaliyada kooxda Juventus 3 gool, kadib6 kulan ee laga soo ciyaaray xili ciyaareedkan.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close