Wadahadaladii Arsenal iyo Aaron Ramsey oo burburay iyo Gunners oo ……!!

(London) 27 Sab 2018 Wadahadaladii heshiis kordhinta Arsenal iyo Aaron Ramsey ayaa burburay sida ay baahisay BBC Sport.

Qandaraaska Aaron Ramsey ee Arsenal ayaa dhacaya dhamaadka xiliciyaareed kaan, Gunners ayaana ku fashilantay inay heshiis la gaarto laacibka reer Wales.

Arsenal's Aaron Ramsey

Telegraph ayaa dhanka kale daaha ka qaaday in Arsenal ay dhagaysanayso dalabyada u imaanaya Aaron Ramsey si ay u iibiso suuqa kala iibsiga ee bisha Janaayo.

Arsenal ayaa ka fogaanaysa inay qaab bilaash ah ku wayso Aaron Ramsey, laacibka ayaana laga diri doonaa kooxda haddii uu diido inuu saxiixo heshiis cusub wixii ka horeeya bisha Janaayo.

Aaron Ramsey ayaa ku soo biiray Arsenal 2008 markaas oo uu ka soo dhaqaaqay kooxda Cardiff City.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close