Ronaldo oo maanta sugaya go’aanka UEFA kadib casaankii uu qaatay kulankii Valencia

(Turin) 27 Sab 2018 Xiriirka kubadda cagta yurub ee UEFA ayaa maanta la filayaa inay go’aan ka soo saaraan casaankii Ronaldo ee kulankii Valencia.

Laacibka ayaa qaatay casaan toos ah kadib markii uu tinta ka jiiday daafaca Valencia ee Jeison Murillo qaybtii hore ee ciyaarta.

CalcioMercato ayaa daaha ka qaaday in maanta Ronaldo uu kala ogaan doono inuu ka maqnaanayo kooxdiisa hal kulan iyo inuu mutaysan doono ciqaab intaas ka sii badan.

Juventus ayaa ku rajo wayn in Ronaldo uu maqnaanayo kaliya kulanka Young Boys maadaama garsooruhu uu kula dag dagay casaankii uu siiyay.

Ronaldo ayaa indhaha ku haaya waxa ka soo baxa UEFA, si uu u kala ogaado inuu ka hortagi doono kooxdiisii hore ee Manchester United.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close