“Real Madrid waxaa ka muuqda walwal, sidoo kale…”.- Jorge Valdano

(Real Madrid) 27 Sab 2018. Halyayga kooxda Real Madrid ee Jorge Valdano ayaa xaqiijiyay in Los Blancos ay ka walwalsan tahay guuldaradii kaga soo gaartay kooxda Sevilla ee horyaalka La Liga.

“Munaasabada abaalmarinada FIFA ayaa waxyaabaha ugu muhiimsan ee xiligan laga xiiseeyo kubada cagta, laakiin ma ahan xiliga waqtigii ku haboonaa sababtoo ah nasiino la’aantajirta”.

“Sidaas darteed waxaysan u fiicneen Real Madrid oo laba maalin kadib isku diyaarineesay kulanka Sevilla”.

“Sevilla waxay sameesay weeraro joogta ee halis ah, laakiin waxaa ugu halisan ayaa ahaa in Real Madrid aysan sameynin wax isku day ah, kadib markii uu ka dhashay goolka koowaad waxay u muuqdeen kuwo aanan awoodin inay keensadaan goolka barbaraha”.

Si kastaba kooda Real Madrid ayaa xalay guuldaro 3-0 ah kala kulantay Sevilla kulankooda 6-aad ee horyaalka La Liga ee xili ciyaareedkan,

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close