RASMI: Sergio Busquets oo heshiis cusub u saxiixay Barcelona (Imiso ayaa lagu burburin karaa?)

(Barcelona) 27 Sab 2018 Barcelona ayaa si rasmi ah u shaacisay inay heshiis cusub ka saxiixday laacibkeeda reer Spain ee Sergio Busquets.

30 jirka reer Spain ayaa u saxiixay kooxdiisa heshiis gaaraya ilaa 2023, waxaana lagu burburin karaa lacag dhan 500 milyan oo euro.

Qandaraaskii hore ee Sergio Busquets ayaa lagu burburin karay 200 milyan oo euro, kooxda ayaana haatan ku dartay 300 milyan oo euro.

Warkaan ayaa niyad jab u ah kooxo badan oo doonayay saxiixiisa sida Manchester City iyo PSG oo isku dayay inay la wareegaan.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close