Jürgen Klopp oo si xoogan u dhaleeceeyay muuqaal caawiyaha garsoorka ee VAR, kadib kulankii Chelsea

(Liverpool) 27 Sab 2018. Jürgen Klopp ayaa si xoogan u dhaleeceeyay Muuqaal Caawiyaha Garsoorka Ee VAR kadib guuldaradii kaga soo gaadhay kooxda Chelsea kulankii Carabao Cup-ka.

Wiilasha Maurizio Sarri ee Chelsea ayaa kala soo laabtay garoonka Anfield  guul 1-2 ah ay kooxda Liverpool kaga cirib tireen tartanka Carabao Cup-ka.

Macalinka reer Germany ayaana kulanka kadib ku tilmaanay inuusan wax faa’iido lahayn Muuqaal Caawiyaha Garsoorka Ee VAR.

“Goolka koowaad wuxuu ahaa mid garab dhaaf ah, muuqaal caawiyaha garsoorka ee VAR aayaa ogaan kara, maxaan u isticmaaleenaa hadii aanan dooneynin inaan qaadano go’aanka uu soo saaro?”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close