AFEEF HORE LAHAAW AMA ADKEYSI DAMBE: Pique oo Evra ka Gubay KABO Gaar ah ay ku qoranaayeen Magacyada Caruurtiisa…(Maxaase ka raacay hee!!)

(Manchester) 27 Sab 2018. Patrice Evra ayaa daaha ka rogay Sheeko yaab leh oo kala qabsatay isaga iyo  Gerard Pique berigii ay wada joogeen kooxda Manchester United.

Daafaca reer France ayaa labo sano iyo bar Old Trafford kula qaatay daafaca reer Spain ka hor inta uusan Pique dib ugu laaban kooxdiisii yaraanta ee Barcelona.

Evra ayaa Pique ku dhigay sheeko oo xusuusnaan doono kaddib markii uu daafaca reer Barcelona markii hore ka gubay kabihiisa.

31-jirka reer Spain ayaa qiray inuu hadda ka hor Gubay kobo gaar ah oo uu lahaa Evra, balse tii dheereed laga raacsiiyay.

Pique oo ka sheekeynaya wixii dhex maray isaga iyo Evra ayaa yiri:

“Maalin ayuu Evra la yimid kabo uu bilooyin Nike waydiisanayay inay u sameyso.”Waxaa loogu soo qoray magacyada carruurtiisa iyo faah faahin kale oo yar.

“Waxaan Kobihii la aaday qolka qubeyska, waxaan kiciyay dab yar waxaana gubay kobihii.”.

Evra ayay meel xun ka gaartay isagoona qaaday talaabo laga ash asho si uu uga aar guto saaxiibkii wuxuuna yiri 37-jirka.

“Waxay gubeen Kobaheyga, ma ahayn wax lagu maadsado, wuxuu xaqiiqdii ahaa Gerard Pique, anigana maxaan ku sameeyay hee.

“Waxaan qaaday Kobihiisa waxaana la aaday Suulida/Musqusha waana ku dhex saxarooday.”.

Patrice Evra iminka wax koox ah lama joogo kaddib markii uu xagaaga ka dhacay qandaraas gaaban uu ku joogay West Ham.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close