Zola oo sheegay in Eden Hazard uu ka mid noqon doono xidigaha ugu wanaagsan kubada cagta

(Chelsea) 26 Sab 2018. Gianfranco Zola ayaa sheegay in Eden Hazard uu ka mid noqon doono xidigaha ugu wanaagsan kubada cagta kadib imaatinka kooxda Chelsea ee  tababare Maurizio Sarri.

“Waxay ila tahay in qorsho ciyaareedka haatan Maurizio Sarri ee kooxda Chelsea ay ka dhigeyso Hazard inuu ka mid noqdo xidigaha ugu wanaagsan aduunka”.

“Tayada Eden Hazard waa mid si joogta u sii kodheysa, wuxuu bandhig cajiib ah ka sameeyay koobka aduunka 2018 ee dalka Russia”.

“Ilaa iyo haatan wuxuu hormar ka sameenayaa awoodiisa ciyaareed, sidoo kale wuxuu ilaa iyo haatan soo bandhigaa qaab ciyareed fiican”.

“Hazard wuxuu ka mid yahay xidigaha Chelsea u soo ciyaaray mudo 6 sano ah, sidaas darteed wuu sii xoogeesanayaa wuxuuna helayaa awood iyo xirfad heersare ah”.

“Maurizio Sarri waa inuu ogaadaa, sida looga faa’ideysan lahaa sida ugu fiican xirfada Eden Hazard, waxaan isku dayi doonaa inaan ka dhigno xidigha ugu muhiimsan horyalka Premier League”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close