Xiliga uu James Rodríguez go’aamin doono mustaqbalkiisa kooxdiisa Bayern Munich oo lasii ogaaday

(Bayern) 26 Sab 2018. Wargeyska “Bild” ee dalka Germany ayaa wuxuu shaac ka qaaday in James Rodríguez uu go’aamin doono suuqa bisha January mustaqbalkiisa kooxda Bayern Munich, inuu sii joogayo ama inuu dib ugu laabanayo kooxdiisa Real Madrid.

27 jirka reer Spain, ayaa sii joogaya Bayern Munich, laakiin wuxuu suuqa bisha January si rasmi ah u go’aamin doonaa mustaqbalkiisa garoonka Allianz Arena.

Wakiilkiisa James Rodríguez ee Jorge Mendes ayaa go’aansaday inuu la kulmo maamulka Bayern Munich xilliga qaboobaha si loo ogaado qandaraaska uu kula joogo kooxda reer Germany.

Wararka ayaa waxay intaas kusii darayaan in heshiiska James Rodríguez ee kooxda Real Madrid uu dhacayo sanada 2021, laakiin kooxda Bayern Munich ayaa dooneysa in 2022 ay si toos ah ula soo saxiixato

James Rodríguez ayaa ugu dhaqaaqay Bayern Munich xagaagii 2017 heshiis amaah ee labo xilli ciyaareed ah, ka dib markii uu fursad ka waayay shaxda macalinkiisii hore Real Madrid ee Zinedine Zidane.

Gool FM.1

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close