Wijnaldum oo si weyn u amaanay dhamaan saxiixyada cusub ee kooxda Liverpool

(LIverpool) 26 Sab 2018. Georginio Wijnaldum ayaa warbixiyay dhoorka uu ka ciyaareen ciyaartoyda cusub uu Reds kusoo kordhiyay Jürgen Klopp, qaabka wanaagsan ay xili ciyaareedkan kaga bilaawdeen.

“Waxaan u maleynayaa inay tahay wax weyn in ciyaartoy badan oo waa weyn ay ka ciyaaraan kooxda, marka aad si toos ah ula qaadato tababarka waxaad hor ku sameeneysaa qaab ciyaareedkaaga”.

“Liverpool waa koox weyn, mar walbana waxay la soo saxiixan doonaan ciyaartoy waa weyn, kama walwalsani, ciyaaryahan walba waa inuu awoodiisa ciyaareed ku muujiyaa tababarka kooxda si uu macalinka u arko”.

“Waxaa laga yaabaa in Liverpool ay lasoo saxiixato, taas micnaheeda waa loolan kale ee ku aadan khadka dhexe, taasina waa xaalad ay ka wada siman yihiin dhamaan kooxaha waaweyn”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close