“Waa cadaalad daro in Lionel Messi liiska abaal marinta The Best”… halyayga reer Brazil Rivaldo

(Barcelona) 26 Sab 2018. Rivaldo ayaa sheegay in Real Madrid ay dhibaato kala kulmi doonto kulanka Sevilla ee horyaalka La Liga, kaasoo caawa labada kooxood ku wada ciyaari doonaan garoonka Ramón Sánchez.

Dhinaca kale halyayga reer Brazil ayaa wuxuu ka hadlay sababta Messi looga reebay liiska xidiga ugu fiican aduunka, wxuuna sheegay in arintan ay tahay cadaalad daro.

“Sevilla waxay xiiseeneysaa in kulankan ay guul kaga gaarto Real Madrid garoonkeeda Ramón Sánchez, sidaas darteed Real Madrid dhibaato ayay kulankan la kulmi doontaa”.

Intaas kadib Rivaldo ayaa wuxuu ka haday in markii ugu horeesay Lionel Messi laga waayay liiska kama dambeysta ahaa ee abaal marinta xidiga ugu fiican aduunka uu dhawaan ku guuleestay Luka Modrić.

“Waa cadaalad daro in Lionel Messi uusan ku soo bixin liiska kama dambeysta ahaa ee xidiga ugu fiican aduunka ee The Best”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close