“Tartan kasta waa inoo muhiim, waxaana dooneynaa inaan ka badino Chelsea”… Jürgen Klopp

(Liverpool) 26 Sab 2018. Jürgen Klopp ayaa xaqiijiyay in kulanka caawa ay kula ciyaari doonaan kooxda Chelsea koobka Carabao Cup ay kusoo gali doonaan kaliya inay guuleystaan.

Macalinka reer Germany ayaa iska diiday in Reds ay fududeysan doonto koobka Carabao Cup wuxuuna sheegay inuu ka mid yahay tartamada ay bar-tilmaameedka ka dhiganayaan xili ciyaareedkan.

“Ma jirto liis aan ku kala xulaneyno tartamada aan qeybta ka nahay, waxaan kulanka caawa kusoo gali doonaa kaliya inaan guuleysano”.

“Kulanka lagu ciyaari doono caawa garoonka Anfield ma ahan mid u sahlan labada kooxood Liverpool iyo Chelsea”.

Si kastaba warbaahinta dalka England ayaa shalay oo Talaado ah shaacisay in tababare Jürgen Klopp uu isbadal xoogan ku sameyn doono shaxdiisa kulanka Chelsea kula ciyaari doonaan koobka Carabao Cup,

Laakiin macalinka reer Germany ayaa iska diiday in kooxdiisa Liverpool ay fududeysan doonto koobka Carabao Cup, wuxuuna carabka ku adkeeyay in kulanka caawa ay kusoo gali doonaan kaliya sida ay guul kaga gaari lahaayeen Chelsea.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close