RASMI: Kooxda Heegan oo iska Fasaxday macallinkeedii Mayanja

(Muqdisho) 26 Sab 2018 Kooxda Heegan ayaa iska Fasaxday macallinkeedii Roberto Mayanja oo hal sano ku qaatay naadigaasi.

Gudoomiyaha kooxda Heegan C/raxmaan Mursal ayaa inoo xaqiijiyay arinkaan, isagoo u mahad celiyay waqtigii uu kooxda hoggaaminayay.

“Waxaan idiin xaqiijinayaa in kooxda ay fasaxday macalin Mayanja” ayuu yiri Yiri Mursal.

“Waan ugu mahad celineynaa guulihii farxadda lahaa ee aad ku hoggaamisay kooxda, mar walba qalbiyadeena kama baxaysid”.

Sikastaba Cismaan Aayarta oo ahaa macallinka labaad ee kooxdaan ayaa sii hoggaamin doona naadiga Heegan.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close