Philippe Coutinho oo soo barbareeyay Lionel Messi

(Barcelona) 26 Sab 2018 Philippe Coutinho ayaa hogaanka u dhiibay kooxdiisa Barcelona kulan ay haatan la ciyaarayso Leganes.

Coutinho ayaa banaanka ka toogtay goolka kooxda Leganes kadib kubadd cajiib ah oo uu ka helay Lionel Messi, sidaas ayuuna hogaanka ugu dhiibay Barcelona.

Image result for Messi Coutinho

Waa goolkii 9-aad ee Philippe Coutinho uu ka dhaliyo banaanka xerada ganaaxa tan iyo bilowgii xiliciyaareedkii hore, wuxuuna soo barbareeyay Lionel Messi.

Labadaan laacib ayeey u suurogashay inay 9-gool ka dhaliyaan banaanka xerada ganaaxa tan iyo xiliciyaareedkii hore shanta horyaal ee ugu wayn qaarada yurub.

Waxaa xusid mudan in Leganes ay haatan hogaanka ku hayso 2-1.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close