Paul Pogba oo ku biiraya Barcelona suuqa Janaayo! (Maxaa soo kordhay?)

(Barcelona) 26 Sab 2018 Laacibka qadka dhexe ee Manchester United ayaa qorshaynaya inuu ka tago kooxdiisa suuqa Janaayo sida ay baahisay The Sun.

Xiriirka tababare Jose Mourinho iyo Paul Pogba ayaa gaaray meeshii ugu xumayd kadib kulankii barbaraha ay kooxdu la gashay Wolves.

Tababare Mourinho ayaa kabtanimada Manchester United ka qaaday Paul Pogba kadib markii uu u bagi waayay hab dhaqankiisa iyo eedeyntii uu isaga u jeediyay kadib kulankii Wolves.

Wakiilka Pogba ayaa haatan bilaabay inuu qorsheeyo qaabkii laacibku uu ugu biiri lahaa Barcelona suuqa kala iibsiga ee bisha Janaayo.

Pogba ma doonayo inuu la sii shaqeeyo Mourinho waana sababta uu uga tagayo Manchester United, balse xaalada ayaa is badali karta haddii Jose laga diro kooxda ka hor suuqa Janaayo.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close