Paris St Germain oo wali dooneysa saxiixa laacibka kooxda Juventus ee Alex Sandro

(PSG) 26 Sab 2018. Shabakada “Sky Sports” ayaa shaaca ka qaaday in kooxda Paris St Germain ay weli xiiseyneyso saxiixa difaaca garabka bidix ee reer Brazil iyo kooxda Juventus Alex Sandro.

27 jirkan reer Brazil ayaa lala xiriirinayay xiliydii lasoo dhaafay inuu u dhaqaaqi doono kooxda Paris St Germain, gaar ahaan suuqii xagaaga ee dhawaan lasoo xiray.

Wararka ayaa waxay intaas kusii darayaan in kooxda PSG ay dooneyso in saxiixa Alex Sandro ay markan kaga faa’ideysato, sababa la xiriira inuusan wali u saxiixin heshiis cusub kooxda Juventus.

Laacibka reer Brazil ayaa heshiiska uu haatan ku joogo kooxda Juventus wuxuu dhacayaa sanada 2020, sidaas darteed  Paris St Germain ayaa markale isku dayi doonto in saxiixa laacibkan ay u dhaqaaqdo suuqa xagaaga ee soo aadan.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close