FIFA oo aqbashay cudur daarka Messi iyo Ronaldo oo ay ka caraysantahay!

(Zurich) 26 Sab 2018 Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo ayaa seegay xafladii abaal marinada xiriirka kubadda cagta adduunka ee FIFA.

Labada laacib ayaa qayb ka ahaa shaxda sanadka, balse ma jirin abaal marin kale oo ay u tagayeen goobta lagu bixinayay abaal marinada.

Image result for Messi Ronaldo FIFA 2018

Mundo Deportivo ayaa daaha ka qaaday in FIFA ay aqbashay cudur daarkii Messi uu u gudbiyay kaas oo u sheegay inuu ku maqnaaday arimo qoys oo aan laga baaqsan karin.

Laakiin FIFA ayaa ka caraysan Ronaldo maadaama uu diiday inuu imaado xaflada kadib markii uu ogaaday in isagu uusan ku guulaysanayn abaal marinta.

Luka Modric ayaa ku guulaystay xiddiga ugu wanaagsan adduunka ee sanakaan 2018.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close