DAAWO oo GO’AAMI: Maxaa saaka tababarka ku dhex maray Mourinho iyo Pogba?!!

(Manchester) 26 Sab 2018 Xiriirka tababare Jose Mourinho iyo Paul Pogba ayaa gaaray meeshii ugu xumayd kadib guul daradii soo gaartay Man United kulankii xalay.

Pogba ayaa xalay ka maqnaa kooxdiisa kulankii looga adkaaday gool ku laadka, wuxuuna ciyaarta ka daawanayay tarabuunka garoonka Old Trarfford.

Sky Sports ayaa muuqaal aad loola yaabay ka soo qabatay tababarkii saaka ee Manchester United, carada Mourinho iyo Pogba ay isku qabaan ayaa si wayn u soo shaac baxday.

Lama oga hadalkii dhex maray Mourinho iyo Pogba, laakiin waxaa muuqata in Pogba uu la yaabanaa hab dhaqanka tababarihiisa waqtigii uu bilaabayay tababarka.

Hadalo loo fasirtay kuwo aan wanaagsanayn ayaa dhex maray, taageerayaasha Manchester United ayaana wal wal ka muujinaya dhacdadaan.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close