Chelsea oo Carabao Cup ka ciribtirtay Liverpool

(Liverpool) 26 sab 2018 Chelsea ayaa koobka Carabao Cup ka reebtay caawa kooxda Liverpool oo ay ugu martisay Anfield.

Ciyaarta ayaa ku bilaabatay si xiiso leh, labada kooxood ayaana iska khasaariyay fursado ay ku qaban kareen hogaanka ciyaarta.

Qaybtii hore ayaana lagu kala nastay 0-0.

Qaybtii labaad, labada kooxoodba waxay sameeyeen dadaal dheeri ah si ay guul uga gaaraan ciyaarta ka hor kulankooda Premier League ee sabtiga.

58-daqiiqo, Daniel Sturridge ayaa hogaanka u dhiibay kooxda Liverpool kadib gool cajiib ahaa oo uu ka dhaliyay kooxdiisii hore ee Chelsea, wuxuuna ka dhigay ciyaarta 1-0.

79 daqiiqo, Emerson Palmieri ayaa u soo barbareeyay kooxdiisa Chelsea, wuxuuna ka dhigay natiijada ciyaarta 1-1.

85 daqiiqo, Eden Hazard ayaa guusha farta ka saaray Chelsea kadib markii uu wada maray xiddigaha Liverpool, wuxuuna ka dhaliyay gool cajiib ahaa, natiijada ayaa noqotay 1-2.

Chelsea ayaana sidaas ugu soo gudubtay wareega 4-aad ee koobka Carabao Cup.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close