Barcelona oo dhabarka loo saariyay Guul daradii ugu horaysay ee xiliciyaareed kaan

(Barcelona) 26 Sab 2018 Kooxda Leganes ayaa caawa cashir fiican u dhigtay kooxda Barcelona kadib markii ay uga adkaatay 2-1.

Coutinho ayaa hogaanka u dhiibay Barcelona daqiiqadii 12-aad ee qaybtii hore kadib markii uu shabaqa dhex dhigay kubadd uu ka helay Messi, wuxuuna ka dhigay 0-1.

Qaybtii hore ee ciyaarta ayaana lagu kala nastay 0-1 oo Barcelona ay hogaanka ku haysay.

Qaybtii labaad ciyaartoyda kooxda Leganes ayaa la soo baxay dardar aad u xoogan, waxayna durba heleen goolkii barbaraha.

Nabil El Zhar ayaa shabaqa ku hubsaday kubadd uu ka helay saaxiibkiis Jonathan Silva, wuxuuna ka dhigay natiijada ciyaarta 1-1.

iIbiriqsiyo kadib Oscar ayaa hogaanka u dhiibay kooxda Leganes, wuxuuna ka dhigay ciyaarta 2-1.

Leganes ayaana sidaas uga adkaatay Barcelona oo la hoyaaday guul daradii ugu horaysay xiliciyaareed kaan ee dhanka La Liga.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close