Arsene Wenger oo si cad u diiday inuu iska casilo shaqada tababarka, kadib ka tagistiisa Arsenal

(Yurub) 26 Sab 2018. Macalinkii hore kooxda Arsenal ee Arsene Wenger ayaa ku adkeysanaya inuusan joojin doonin xirfada tababarka, isagoo dhinaca sheegay inuusan hubin xiliga uu soo laaban doono.

Arsene Wenger ayaa ka tagay Arsenal xagaagii lasoo dhaafay ka dib markii uu mudo dhan 22 sanno ku soo qaatay kooxda ka dhisan magaalada London.

Macalinka reer France ee Wenger ayaa jirsan doono 69 sano bisha October ee soo aadan, laakiin kuma deg degi doono in wax go’aan ah uu ka gaaro mustaqbalkiisa tababarka.

“Hadii aan runta ka hadlo, marna kuma fikirin inaan ka fariisto kubada cagta, sababtoo ah waxaan isku diyaarinayay inaan go’aan ka gaaro bilaha”.

“Kuma fikirayo xiligan inaan ka fariisto xirfada tababarka, haddii ay run tahay waxay dhici lahayd xili hore, waxaan jirsan doonaa 69 sano bisha October ee soo aadan”.

Arsene Wenger ayaa kadib Markii la weydiiyay haddii uu qaban doono shaqada tababarka mustaqbalka, Wenger ayaana ku jawaabay: “Ma ogi, ma aqaano”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close