Arsenal oo war rasmi ah kasoo saartay warar ku aadan in Joachim Low ay u diideen inuu galo xeradooda tababarka

(London) 26 Sab 2018. kooxda reer London ee Arsenal ayaa beenisay wararka maanta ee Arbaco ah leysla dhex marayay ee ku aadanaa in macalinka xulka qaranka Germany ee Joachim Low laga hor istaagay inuu gudaha u galo xerada tababarka kooxda Arsenal.

Gunners ayaa xaqiijisay in Joachim Low ay u dhacday booqashadii sida uu ugu talagalay isla markaana uu kula kulmay Per Mertesacker xerada tababarka ee akadeemiga kooxda Arsenal, halka uu kala kulmi lahaa Mesut Ozil.

Waxaa saacadihii lasoo dhaafay jiray warar ku aadan in macalinka kooxda Arsenal ee Unai Emery uu u diiday Joachim Low inuu gudi u galo xerada tababarka kooxda Arsenal ee magaalada London.

Socdaalka macalinka xulka qaranka Germany ee Joachim Low ayaa sabab u ahaa inuu soo afjaro dhibaatada dhex taala xiriirka kubadda cagta Germany iyo laacibka Gunners Mesut Ozil.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close