Valverde oo difaacay ka maqnaashihii Messi iyo Ronaldo ee abaal marinada FIFA

(Barcelona) 25 Sab 2018 Tababaraha kooxda Barcelona ee Ernesto Valverde ayaa difaacay ka maqnaashihii Messi iyo Ronaldo ee abaal marinada FIFA.

Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi ayaa ku jiray shaxdii ugu fiicnayd sanadkaan 2018, laakiin waxay diideen inay ka qayb galaan xaflada.

Ernesto Valverde ayaa sheegay in waajib aysan ku ahayn shaqsiga inuu tago xaflad walba oo lagu casuumo, wuxuuna yiri ka hor kulanka Leganes:

“Marka xaflad ay jirto, waa suurogal in lagu yeero kadibna xor ayaad u tahay inaad tagto ama inaad diido, balse daruuri ma ahan inaan qadarin siiyo arinkaas”.

“Uma joogno halkaan inaan is barbardhig samayno, Modric wuxuu soo bandhigay sanad cajiib ah, abaal marintaan waxaa lagu magacaabaa kan ugu fiican, balse kan ugu fiican waxaa anaga noo ah Messi”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close