Thibaut Courtois oo sharaxaad ka bixiyay sababta ay Ronaldo iyo Messi kaga maqnaayeen xaflada FIFA

(Real Madrid) 25 Sab 2018. Goolhaayaha kooxda Real Madrid ee Thibaut Courtois ayaa sharaxaad buuxda ka bixiyay sababta ay kaga maqnaayeen xidigaha Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi, xafladii FIFA ee lagu bixinayay xalay shaqsiyaadkii ugu fiicnaa 2018.

Xafladii xalay ka dhacday magaalada London ee dalka England ayuu Luka Modric soo afjaray in markale Ronaldo iyo Messi midkood uu ku guuleesto tan iyo 2008, xili ay labadaba ka maqnaayeen goobta ay xaflada ka dhacday, Courtois ayaa sharaxay sababta ay kaga maqnaayeen.

“Waan fahamsanahay sababta Messi iyo Ronaldo aysan u soo xaadirin xafladii FIFA ee lagu bixinayay xalay abaal marinada shaqsiyaadkii ugu fiicnaa 2018.

“Waa fahmi karaa sababta aysan u imaanin xidigaha Messi iyo Ronaldo xaflada FIFA, sababtoo ah waxaa jira kulamo horyaalada ah, sidaas darteed way ku adag tahay inay safraan, kadib ay ciyaaraan”.

“In 4 xidig ka tirsan kooxda Real Madrid ay kasoo muuqdaan kooxda ugu fiican 2018 ee FIFA ayaa waxay muujineysaa qiimaha ay kooxda Real Madrid leedahay”.

Si kastaba Thibaut Courtois ayaa wuxuu ugu dambeyn sheegay inuu si weyn ugu faraxsan yahay imaatinkiis kooxda Real Madrid, taasoo uu ku tilmaamay inay tahay kooxda ugu fiican aduunka, wuxuuna rajeeyay in si joogta ah uu kul guuleysto koobab.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close