SAWIRRO: Sidee loo kala bixiyay abaal-marinada tartanka kubadda cagta Degmooyinka Gobolka Benaadir???

(Muqdisho) 25 Sab 2018.  Waaberi ayaa ku guulaysatay sanadkii labaad oo xiriir ah loo Caleemo saaray Koobka Degmooyinka Gobalka Benaadir kaddib markii ay gool madi ah uga badisay Shibis.

Qeybta hore ee ciyaarta ayay la timid goolkii qura ay Waaberi ku qaaday Koobka.

Waaberi oo Finalka ka dhigatay hoygeeda ayaa xalay markii labaad oo xiriir ah qaaday tartanka Degmooyinka Gobalka Benaadir.

Taageerayaal tiro lixaad leh ayaa u gurbaan tumayay Waaberi oo isla koobkan sanadkii hore xilli habeen ah ka qaaday Hodan caawana Shibis ayay ku yiraahdeen Shib dhaha.

Madaxwaynaha Dalkeena Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa Waaberi guddoonsiiyay koobka Degmooyianka.

Abaal-marino kala duwan ayaa lagu bixiyay gudaha garoonka

Koobka kaalinta koowaad Demada Waabari.

Kaalinta Labaad  Degmada Shibis

Saddexaad Degmada Hodan

Gool dhallinta Saadaq Cusmaan oo ka tirsan Waabari

Macallinka tartanka C/laahi Laash oo hoggaamiyo Shibis

Goolhayaha ugu fiican  tartanka Sakariye  oo ka tirsan Waabari

Xiddiga ugu fiicanTartanka waa C/qani  oo ka tirsan Shibis

Abaal-marinta Degmada Aqlaaqda sidoo kale ugu taageeraha badan tartanka waxaa la guddoonsiiyay degmada Kaaraan

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close