Real Madrid oo shaacisay in Francisco Isco uu maray qaliin lagu guuleestay

(Real Madrid) 25 Sab 2018. Real Madrid ayaa ku dhawaaqday maanta oo Talaado ah in Francisco Isco uu maray qaliin lgu guulleestay.

Francisco Isco ayaa saakay oo talaado ah dareemay xanuunka qabsinka, wuxuuna durbaba ku wargaliyay xaaladiisa waaxda caafimaadka ee kooxda Real Madrid.

Laacibka reer Spain ayaa seegay tababarkii maanta, si uu maro baaritaano caafimaad waxaana natiijada kasoo baxday ay noqotay mid halis ku ah caafimaadka laacibkan.

Hadaba kadib marka  uu Francisco Isco maray qaliinka ayay kooxda Real Madrid kasoo saartay war rasmi ah ay ku cadeeneyso xaalada caafimaad ee ciyaaryahanka.

“Francisco Isco wuxuu maray qaliin lagu guuleestay, si looga daaweeyo xanuunka qabsinka, waxaana la sugayaa xiliyada soo aadan hormarka laga sameyn doono xaaladiisa caafimaad”.

Sida wararka ay xuseen Isco ayaa la filayaa inuu ka maqnaan doono Real Madrid mudo bil ah, waxaana la filayaa inuu ka shaqeyn doono sida uu qeyb kaga noqon lahaa El Clasico ay kula ciyaari doonaan kooxda Barcelona 28-ka bisha soo socota.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close