PSG oo wali cadaadinaysa Adrien Rabiot si uu u saxiixo heshiis cusub

(Paris) 25 Sab 2018 Maamulka PSG ayaa cadaadis xoogan ku haaya laacibkooda qadka dhexe si uu u saxiixo heshiis cusub.

Qandaraaska Adrien Rabiot ee PSG ayaa dhacaya dhamaadka xiliciyaareed kaan, waxaana jira kooxo badan oo ay hogaaminayso Barcelona oo doonaya saxiixa laacibka.

a

Adrien Rabiot ayaa wali diidaya inuu heshiis cusub u saxiixo PSG, laakiin maamulka ayaan is dhiibin, waxayna ku cadaadinayaan da’yarkaan inuu saxiixo heshiis cusub ka hor suuqa Janaayo.

Hooyada dhashay Adrien Rabiot ayaa waydiisatay kooxaha ingiriiska inay bixiyaan 8-milyan oo Ginni oo ah qiimaha lagu dhamayn karo heshiiska.

Laakiin PSG ayaa u balan qaaday hooyada dhashay Adrien Rabiot inay heli doonto lacagta ay codsanayso si loogu qanciyo in laacibku uu saxiixo heshiiska cusub.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close