Pochettino oo ku eedeeyay FIFA qaabka ay u soo xushay tartamayaasha abaal marinta The Best

(London) 25 Sab 2018 Tababaraha kooxda Tottenham ee Mauricio Pochettino ayaa dhaleeceeyay qaabka FIFA ay u soo xulatay tartamayaasha abaal marinta the Best.

Mauricio Pochettino ayaa sheegay inay qalad ahayd in Lionel Messi laga reebo 3-da tartame ee abaal marinta The Best 2018.

46 jirkaan oo xalay xaadir ku ahaa hoolka xaflada abaal marinada FIFA ayaa yiri:

“Ani ahaan Lionel Messi ayaa ah lambarka koowaad, wuxuu u qalmaa marwalba in lagu soo daro xiddigaha u tartamaya abaal marinta isla markaana waa inuu ku guulaystaa”.

“Ka mid ahaanshaha Messi waxay hadiyad u tahay taageerayaasha kubadda cagta, balse anigu ma ihi shaqsi go’aan kaas leh”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close