“Messi wax NOLOL ah ma heysto, mana doonayo inaan sidiisa oo kale u Noolaado.”.

(Europe) 25 Sab 2018. Weeraryahankii hore ee xulka qaranka Italy ayaa shegay inuusan dooneyn inuu u noolaado sida Lionel Messi oo kale kaddib markii uu sharaxaad ka bixiyay sababtii uu uga fariistay ciyaaraha oo idil.

Dani Osvaldo oo ka fariistay kubbada cagta ayaa ka dhawaajiyay in Messi uusan wax nolol ah heysan isla markaana uusan dooneyn inuu sidiisa oo kale u noolaado.

Dhaliyihii hore ee Juniors, Juventus iyo Roma ayaa goaansaday inuu ka fariisto ciyaaraha gabi ahaan isagoo da’yar 2016-dii si uu ugu biiro dhanka heesaha gaar ahaan ‘Rock Music’.

Daniel Osvaldo Barrio Viejo Cosquín Rock

Osvaldo ayaa markii uu doortay inuu garoomada faarujiyo isagoo da’yar ayuu iminka daaha ka rogay inuusan dooneyn nolosha Messi oo kale oo uu ku sheegay Xabsi la qurxiyay.

“Miyaan jeclahay inaan noqdo sida Messi? Maya. Laakiin sidiisa oo kale inaan u ciyaaro ayaan jeclaa,” Osvaldo ayaa sidaa u sheegay Marca.

“Wax Nolol ah ma heysto. Waa sida inuu ku nool yahay Xabsi la qurxiyay.

“Meelna ma aadi karo oo si deganaan ah wax uma soo cabi karo. Laga yaabee inuusan midaa isagu kala jeclayn laakiin aniga way I dhibeysaa noloshaas.

“Waxaan suureysanayaa isagoo soo iibsanaya TV-ga ugu wayn adduunka, laakiin uusan marna qolkiis fadhiga soo fariisaneyn si uu u isticmaalo.”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close