Joachim Low oo diyaar u ah inuu tababare ka noqdo Premier League

(Berlin) 25 Sab 2018 Tababaraha xulka qaranka Germany ee Joachim Low ayaa rajo kaleh inuu tababare ka noqdo horyaalka ingiriiska.

Joachim Low ayaa fursad siinaya xulkiisa Germany ilaa Euro 2020, wuxuuna kadib qorshaynayaa inuu ka tago shaqada xulka si uu tababare ugu noqdo kooxaha yurub.

Image result for Joachim Low

58 jirkaan oo la hadlay The Sun ayaa yiri:

“Horyaalka ingiriisku waa mid soo jiidasho leh, dhabtiina marwalba waa mid cajiib ah, waa koob aad u fiican laakiin waan arki doonaa”.

“Ma awoodo in waqtigaan aan si cad uga hadlo wixii dhici doona labada sano ee soo socota, haatan waxaan masuul ka ahay xulka qaranka Germany”.

“Waan arki doonaa wixii dhaca 2-da sano ee soo socota” ayuu sii raaciyay.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close