James Milner oo ku camirtay Mohamed Salah kadib ku guulaysigiisii Goolka Sanadka!

(Liverpool) 25 Sab 2018 Laacibka kooxda Liverpool ee James Milner ayaa ku camirtay saaxiibkiis Mohamed Salah kadib abaal marintii goolka sanadka.

Mohamed Salah ayaa xalay ku guulaystay abaal marinta goolka sanadka ee 2018 kadib gool uu ka dhaliyay Everton xiliciyaareedkii hore.

James Milner oo ah shaqsi aad u kaftan badan ayaa ugu hambalyeeyay Salah in goolka sanadka uu ku qaado goolkiisii 7-aad ee ugu qurxoonaa xliciyaareedkii hore.

Wuxuuna ula jeedaa inuu Salah dhaliyay 6-gool oo ka sii qurux badan kii lagu siiyay goolka sanadka, kaas oo qiimayn ahaan soo galaya goolka 7-aad ee ugu quruxda badan goolashii Mohamed Salah uu dhaliyay xiliciyaareedkii hore.

Milner oo u hambalyeeynayay Mohamed Salah ayaa soo qoray:

“Hambalyo Salah ku guulaysiga goolkii 7-aad ee ugu quruxda badnaa goolashada xiliciyaareedkii hore goolka sanadka”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close