Gareth Bale oo Hambalyo u soo diray Saaxiibkiis

(Europe) 25 Sab 2018. Gareth Bale ayaa hambalyo kal iyo laab ah usoo diray saaxiibkii Luka Modric kaddib markii uu xalay ku guuleystay abaal marinta FIFA the Best.

Xiddiga reer Croatia ayaa abaal marinta ku garaacay Cristiano Ronaldo iyo Maxamed Saalax kaddib markii uu ku guuleystay Champions League iyo markaana uu xulkiisa ku hogaamiyay Finalka Koobka Adduunka.

Bale oo ay Tottenham wada joogi jireen Modric isla markaana ay iminka ka wada tirsan yihiin Real Madrid ayaa ku shaagay saaxiibkiisa mid aan Caadi ahayn.

“HAMBALYO Saaxiib! Ciyaaryahan iyo xilli ciyaareed aan innaba caadi ahayn,”. Laacibka reer Wales ayaa sidaa ku soo qoray bartiisa Twitter ka.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close