“Cristiano Ronaldo wuxuu ku jiraa qalbiyada dhamaan jamaahiirta kooxda Real Madrid”… Florentino Perez

(Real Madrid) 25 Sab 2018. Florentino Perez ayaa ka hadlay dareenkiisa kadib markii uu Luka Modric ku guuleestay abaal marinta xidiga aduunka ugu fiican ee The Best ee ay FiFA bixiso.

Luka Modric ayaa abaal marintan xidiga aduunka ugu fiican ku garaacay Cristiano Ronaldo iyo Mohamed Salah kadib markii uu helay codkii ugu badnaa ee saddexda musharax ee abaal marinan u tartamayay.

Hadaba marka ay soo idlaatay xafladii xalay ka dhacday magaalada London ee lagu bixiyay abaal marinta xidiga aduunka ugu fiican ee The Best ayaa wuxuu Florentino Perez  dhowr arimood ku saabsan kooxda Real Madrid

“Luka Modric wa calaamad, waa inuu la tartamaa xidigaha Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi, hadii aan arki lahaa Cristiano, waxaan galin lahaa laabta, waa kan ugu fiican kadib Alfredo Di Stéfano”.

“Cristiano Ronaldo wuxuu ku jiraa qalbiyada dhamaan jamaahiirta kooxda Real Madrid, maalinta ay noqoto wuxuu markale dib ugu laaban doonaa Santiago Bernabéu”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close