Pogba oo Weerar Kal iyo Laab ah ku qaaday Jose Mourinho…(Maxaa la isku hayaa??)

(Manchester) 24 Sab 2018. Paul Pogba ayaa dib isaga weeraray Jose Mourinho kaddib dhaleeceyntii kaga timid.

Macallinka reer Portugal ayaa eedeyn u soo jeediyay xiddigo uu ka mid yahay laacibka reer France kaddib bar barihii ay la dhaafi waayeen Wolves iyagoo ku ciyaaraya mininkooda Old Trafford.

Pogba oo soo jeedinaya in Eeda uu leeyahay macallinka ayaa yiri:

“Garoonkeena waxay ahayd inaan weerartano, Weerartanno oo weerartanno. Taasi waa Old Trafford waxaan halkaan u joognaa inaan Weerartanno.

“Kooxuhu way cabsadaan marka ay arkaan Man United oo Weerartameysa oo Weerartameysa. Taasi waa qaladkeena.”.

Laacibkii hore ee Juventus ayaa la waydiiyay waxa ka hor istaagay inay weerartamaan maadaama ay joogeen Old Trafford wuxuuna yiri:

“Makuu sheegi karo maxaa yeelay waxaan ahay ciyaaryahan. Aniga ma ahan.”.

Xiriirka Jose Mourinho iyo Pogba oo markii horeba fiicenayn ayaa la arkaa in weerarkan Cusub uu sheekada sii fool xumeeyo.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close