Kylian Mbappe oo daaha ka qaaday hadiyad uu ka helay Pele!

(Paris) 24 Sab 2018 Weerar yahanka kooxda PSG iyo xulka France ee Kylian Mbappe ayaa daaha ka qaaday hadiyad uu ka helay Pele.

Halyeeyga reer Brazil ayaa si wayn u taageera da’yarkaan mustaqbalka fiican ku leh kubadda cagta kaas oo xulkiisa u gacan galiyay koobka adduunka.

Kylian Mbappe ayaa noqday laacibkii ugu horeeyay ee ka yar 20-sano ee hal gool iyo wax kabadan ka dhaliya hal kulan oo ka tirsan koobka adduunka tan iyo 1958 markaas oo Pele uu sidaas sameeyay kulan Brazil ay la ciyaartay Sweden.

Pele ayaa hadiyad ahaan ugu soo diray Kylian Mbappe funaanada kooxdiisii hore ee Santos ee dalka Barzil.

Kylian Mbappe ayaa uga mahadceliyay Pele hadiyada quruxda badan ee uu u soo gartay, wuxuuna soo qoray:

“Waad ku mahadsantahay hadiyadaan cajiibka ah”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close