HAMBALYO HAMBALYO HAMBALYO: Madaxwayne Farmaajo oo Waaberi Farta ka saaray Koobka Degmooyinka

(Muqdisho) 24 Sab 2018. Waaberi ayaa Caawa sanadkii labaad oo xiriir ah loo Caleemo saaray Koobka Degmooyinka Gobalka Benaadir kaddib markii ay gool madi ah uga badisay Shibis.

Qeybta hore ee ciyaarta ayay la timid goolkii qura ay Waaberi ku qaaday Koobka.

Waaberi oo Finalka ka dhigatay hoygeeda ayaa caawa markii labaad oo xiriir ah qaaday tartanka Degmooyinka Gobalka Benaadir.

Taageerayaal tiro lixaad leh ayaa u gurbaan tumayay Waaberi oo isla koobkan sanadkii hore xilli habeen ah ka qaaday Hodan caawana Shibis ayay ku yiraahdeen Shib dhaha.

Madaxwaynaha Dalkeena Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa Waaberi guddoonsiiyay koobka Degmooyianka.

Macaluumaad dheeri ah iyo waliba SAWIRRO XUL AH dib ayaan idin kaga soo gudbin doonaa insha,alaah.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close