FINAL-KA DEGMOOYINKA: Shibis iyo Waaberi oo Caawa ciyaaraya

(Muqdisho) 24 Sab 2018. Caawa ayaa lagu wadaa in lagu soo gabagabeeyo garoonka Banaadir ee degmada C/casiis tartanka degmooyinka gobolka Banaadir oo muddooyinkii dambe si xiiso leh uga soconayey magaalada Muqdisho.

Tartankan waxaa final-kiisa wada ciyaari doona labada degmo ee  Waaberi iyo Shibis, kuwaasoo dadaal dheer kaddib soo gaaray kama dambeysta.

Waaberi ayaa kulankii ugu dambeeyay ee Sami final-ka waxay soo reebtay Degmada Hodan halka Shibis  ay soo garaacday Shangaani.

Kooxdii caawa badisaa ayaa loo caleema saari doonaa horyaalka degmooyinka gobolka Banaadir, waxaana sanadkii hore tartanka degmooyinka gobolka Banaadir ku guuleysatay degmada Waabari, oo ka qaatay Hodan.

Waabari ayaa dhowr mar Finalka timid waxa ayna kala ahaayeen 2014 oo ay guuldaro kala kullantay Xamar Wayne, 2015 oo koobka ku guulaysatay Boondheere iyo  8 Sebt 2017  oo ay ugu dambayn u suura gashay in koobka ay Waabari ku guulaysato markii ay ka badiyeen Hodan.

Waa markii Afaraad  oo xiriir ah oo ay Waabari ciyaarayso Finalka tartanka kubadda cagta degmooyinka gobolka Banaadir.

Degmada koobka difaacanaysa ayaa wajahaysa awoodii 2015 koobka qaaday koobka,  waana macallin C/laahi Laash oo Boondheere hoggaaminayay balse iminka ah tababaraha Shibis iyo xiddigaha  Axmed Kabaaye,Shiikheey iyo Maxamed Guhaad oo horay Boondheere u soo matalay balse iminka ka tirsan Shibis.

Halista ugu badan Shibis waxa ay ugu imaan kartaa xiddiga wacdaraha dhigaya ee Saadaq, kaa soo lambarka 10’aad u xirta degmada Waabari.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close