Aktarka Caanka ah Idris Elba oo ay u alkuman tahay Gabadha Soomaaliyeed oo Caawa xiriirin doona Xaflada…(Aqriso Waxkasta oo aad uga baahan tahay Abaal Marinada FIFA)

(London) 24 Sab 2018. Waxaa caawa la qaban doonaa xafladda FIFA ee lagu bixin doono abaal marino kala duwan sida laacibka sanadka ee FIFA the best, Laacibada sanadka, Tababarha sanadka, Goolhayaha, Goolka sanadka, Kooxda sanadka  iyo waliba taageerayaasha sanadka.

Halkee lagu qabanayaa xafalada FIFA:

Waxaa lagu qabanayaa London Royal Festival Hal.

Imise saac ayay Xaflada bilaabaneysaa:

Waxay bilaaban doontaa 8:30 habeenimo:

Yaa xafladda Xiriirinaya:

Image result for idris elba and sabrina dhowre wedding

Waxaa xaflada xiriirin doona Aktarka caanka ah ee reer England Idris Elba oo ay u alkuman tahay gabadha Soomaaliyeed ee Saabiriin Dhoore, waxaana xaflada la daadhin doona Saxafiyada reer France ee Anne-Laure Bonnet.

Waa kuwee xiddigaha u sharaxan abaal marinta FIFA the Best.

Maxamed Saalax, Cristiano Ronaldo iyo Luka Modric oo horey ugu soo Tartamay laacibka sanadka ee Yurub ayaa misane ku dagaalamaya abaal marinta FIFA oo Messi laguma soo darin liiska kama dambeysta ah.

Abaal marinta Laacibada Sanadka:

Waxaa u tartamaya Ada Hegerberg (Norway), Dzsenifer Marozsan (Germany) iyo Gabadha reer Brazil ee Marta.

Macalinka Sanadka ee Wiilasha:

Abaal marinta macalinka sanadka waxaa u sharaxan Zinedine Zidane oo Champions League 3-aad u gacan galiyay Real Madrid, Didier Deschamps oo Koobka adduunka u qaaday Faransiiska iyo Zlatko Dalic oo Finalka Koobka Adduunka ku hogaamiyay xulka Croatia.

Macalinka Sanadka ee Gabdhaha:

Waxaa u sharaxan Reynald Pedros oo leyliya kooxda Gabdhaha Lyon, Asako Takakura (Japan)  Sarina Wiegman (Natherlands).

Goolhayaha Sanadka:

Waxaa u sharaxan Goolhayaha reer Belgium Thibaut Courtois, Hugo Lloris oo France kula guuleystay Koobka Adduunka iyo Goolhayaha xulka Denmark iyo Leicester Kasper Schmeichel oo si lama filaan ah loogu soo daray liiskan.

Goola Sanadka (Puskas goal):

Image result for bale and ronaldo bicycle kick

Goolashii Labaaleyda ay Cristiano Ronaldo iyo  Gareth Bale ka dhaliyeen Champions League kal ciyaareedkii tagay ayaa ka mid ah goolasha u sharaxan Puskas Goal.

Goolkii Maxamed Saalax uu ka dhaliyay Everton, Goolashii ay koobka Adduunka ka dhaliyeen Lionel Messi, Benjamin Pavard, Ricardo Quaresma iyo Denis Cheryshev.

Sidoo kale waxaa goolka sanadka u sharaxan goolkii uu Riley McGree u dhaliyay kooxda reer Australia ee Newcastle Jets, Goolkii uu Giorgian de Arrascaeta u dhaliyay kooxda reer Brazil ee Cruzeiro iyo midkii Lazaros Christodoulopoulos uu u dhaliyay kooxda AEK Athens.

Kooxda Sanadka:

Waxaa u sharaxan David de Gea (Man Utd), Dejan Lovren (Liverpool), Yerry Mina (Everton), Virgil van Dijk (Liverpool), Kevin de Bruyne (Man City), Eden Hazard (Chelsea), N’Golo Kante (Chelsea), Nemanja Matic (Man Utd), Paul Pogba (Man Utd), David Silva (Man City), Romelu Lukaku (Man Utd), Sadio Mane (Liverpool), Mohamed Salah (Liverpool).

Waxaa sidoo kale la bixin doonaa abaal marinada Taageeraha Sanadka iyo waliba ciyaar wanaaga:

W/D: Abdisamed Mohamed Hassan (Black Yare)

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close