SAWIRRO QOSOL LEH: Arsene Wenger oo dib ugu soo laabtay Garoomada…(Odeyga oo la celin waayay)

(London) 23 Sab 2018. Arsene Wenger ayaa laga soo ceyriyay Arsenal 22 sano uu la joogay, laakiin weli ma uusan lumin Jaceylka uu u qabo Kubbada Cagta.

68-jirka ayaa dib ugu soo laabtay Garoomada isagoona ka soo muuqday kulan Samafal ah oo lagu ciyaarayay dalkiisa hooyo. Odeyga ayaana baal ka xaroonayay.

Kulanka oo ka dhacay Nancy ayaa Lacago loogu ururinayay caruurta xanuunsan.

Sidoo kale waxaa lagu xusuusanayay aabaha dhalay Halyeyga ama Diiqa reer France Michel Platini kaa oo geeriyooda bishii December.

Warar aan la hubin ayaa tibaaxaya in Arsene Wenger uu kulanka gool dhaliyay balse lama xaqiijin midaa weli.

Yeelkeede, Sawirada la soo dhigay Baraha Bulshada ayaa waxaa ka muuqanaya Odeyga oo Baal ka xaroonaya.

SAWIRRO:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close