Paris Saint-Germain oo wali ku mashquulsan sida ay Barcelona kaga heli lahayd saxiixa Ivan Rakitic

(PSG) 23 Sab 2018. Kooxda reer France ee Paris Saint-Germain ayaa weli ku mashquulsan sida ay Barcelona kaga soo qaadan lahayd saxiixa laacibka khadka dhexe reer Croatia ee Ivan Rakitić.

Agaasimaha ciyaaraha ee kooxda Paris Saint-Germain Antero Henrique ayaa qeexay magacyada dhowr ciyaaryahan ah, si uu ugu xoojiyo khadka dhexe kooxda PSG, waxaana ka mid ah Ivan Rakitić.

PSG ayaa isku dayday soo xero galinta laacibka khadka dhexe reer Croatia suuqii dhawaan lasoo xiray ee xagaaga, laakiin kooxda reer Catalonia ayaa go’aan adag ka qaadatay isku dayga kooxda reer France.

Sidoo kale kooxda Paris Saint-Germain ayaa daneeneysa da’ayarka reer Netherland iyo kooxda Ajax Frenkie de Jong, kaasoo sidoo kale ay xiiseenayaan saxiixiisa kooxaha Barcelona, Tottenham iyo Manchester United.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close