Kooxda Barcelona oo u aragta in Pogba uu yahay badalka Saxda ah ee Ivan Rakitić

(Barcelona) 23 Sab 2018. Wargeesyda gudaha England ayaa waxay daboolka ka qaadeen in kooxda Barcelona ay si xoogan u dooneyso saxiixa laacibka reer France iyo kooxda Manchester United Paul Pogba.

Barcelona ayaa dooneysa in Pogba uu u buuxiyo booska Ivan Rakitić oo haatan da’adiisa tahay 30 jir, waxayna maamulka kooxd reer Spain u arkaan in Pogba uu yahay badalkiisa saxda ah.

Blaugrana ayaa wali xiiseeneysa saxiixa laacibka kooxda Manchester United ee reer France Pogba.

Wargeyska “Daily Mail” ee dalka England ayaa wuxuu xaqiijiyay in Barcelona ay go’aansatay inay la socoto xaalada iyo kiisaska Pogba ee Manchester United ilaa iyo dhamaadka xili ciyaareedkan, si ay u go’aamiso saxiixiisa.

Si kastaba waxaa wali jira warar ku aadan in Pogba uu khilaaf kala dhexeeyo macalinka kooxda Manchester United ee Jose Mourinho, sidaas darteed uu xiiseenayo inuu ka dhaqaaqo garoonka Old Trafford.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close