HORDHAC: West Ham United v Chelsea

( Premier League ) 23 Sab 2018. Chelsea ayaa u marti doonta kooxda West Ham kulamada asbuuca lixaad ee horyaalka Premier League.

Blues ayaa guul gaartay shanta kulan ee ilaa hadda la cayaaray horyaalka, balse tijaado adag ayay mari doonaan marka ay wajahaan West Ham kulanka qeybta ka ah kulamada London Derby.

Ogeysiiska Cayaarta

Tartanka: Premier League

Waqtiga: 03:30 pm ( SGA )

Garsooraha: Mike Dean

Garoonka: London Stadium

Wararka Labada Koox

Weeraryahanka West Ham Marko Arnautovic ayaa taam ahaan-shihiisa waxaa ku jira shaki kaddib markii uu dhaawac jilibkaa soo gaaray kulankii asbuuca hore ay guusha ka gaareen Everton.

Javier Hernandez ayaa qaba Fayrus isagoo seega kulankan, halka Jack Wilshere uu kasoo kabanayo dhaawac yar oo qaliin looga sameeyay anqawga.

Garabka kooxda Chelsea Pedro ayaa shaki ku jiraa kaddib markii uu dhib kasoo gaaray garabka kulankii guusha ay kagaareen PAOK bartamaha todobaadkii hore, inkastoo uu sheegay in aysan halin aheyd dhibaatadiisa.

Eden Hazard iyo David Luiz ayaa qarka u saaran inay safka kusoo laabtaan markii la nasiyay cayaartii dhawaan, halka Mateo Kovacic ayay suuragal tahay inuu taam noqdo kaddib dhawaac kasoo gaaray lugta.

Xaqiiqooyinka Dheeshan.

West Ham ayaa qasaartay laba kamida todobadii cayaar ee lasoo dhaafay oo ay wajahday Chelsea dhammaan tartamada (3 guul, iyo 2 barbaro).

Dhab ahaantii, kooxda lagu naaneyso Hammers ayaa guuleystatay seddax kamida afartii kulan e eugu dameysay garoonkeeda oo ay kula dheeshay Chelsea dhammaan tartamada.

West Ham ayaa eegeysa inay shaqaba ilaa shato kulamo xariir ah markii ugu cayaaraha garoonkeeda tan iyo bishii August 1969.

Kooxda Blues ayaa laga yaabi karaa inay guuleystaan lixda kulan ee furitaanka Premier League markii seddaxaad taariikhda. Waxay hore sidaa u sameeyeen xili cayaareed-yadii 2005-06 iyo 2009-10, iaygoo labadaa xagaaga ku guuleystay horyaalka.

Shaxda Macquulkaa

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close