Barcelona oo lagu dhagay xilli uu Kaarka cas qaatay daafacooda….+SAWIRRO

(Catalonia) 23 Sab 2018. Barcelona oo joogta mininkeeda Nou Camp ayaa bar baro 2-2 la dhaafi waysay kooxda yar ee Girona.

Qeybtii hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 1-1.

Lionel Messi ayaa dhammeystiray kubbad uu ka soo shaqeeyay Arturo Vidal daqiiqadii 19-aad ee ciyaarta.

Balse daqiiqadii 35-aad waxaa Barca kaarka cas ka qaatay Daafacooda Clement Lenglet oo lagu soo bilaabay kulankiisii ugu horreeyay.

Intaan la marin qeybta hore ee dheesha Cristhian Stuani ayaa ciyaarta 1-1 ka dhigay.

Markii la isku soo laabtay qeybta labaad ee ciyaarta waqti dheer kuma aysan qaadan Cristhian Stuani inuu gool kale ka suro Barcelona oo uu ciyaarta ka dhigo 2-1.

Hayeesheed Barcelona ayaa goolka bar baraha ciyaarta ka heshay Daafaceeda Gerard Pique daqiiqadii 63-aad.

SAWIRRO:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close