WEERARKA ADUUNKA: “Neymar meelna kuma fiicna wuxuu la mid yahay gabadha reer Mareykan ee Kim Kardashian”.

(Yurub) 22 Sab 2018. Ciyaaryahannkii hore reer England ee Joey Barton ayaa iska diiday in Neymar Jr uu ka mid yahay xidigaha ugu wanaagsan aduunka xiligan, wuxuuna ku tilmaamay inuu la mid yahay gabadha caanka ah ee reer Mareynkan Kim Kardashian.

Joey Barton ayaa wareysi uu ku bixiyay wargeyska “L’Equipe” ee dalka France ayaa ku sheegy in Neymar uusan ka mid ahayn xidigaha ugu fiican xiligan aduunka.

“Uma arko Neymar Jr inuu ka mid yahay xidigaha ugu fiican aduunka, aniga ahaan waxaan ku tilmaami karaa gabadha reer Mareykan Kim Kardashian ee kubada cagta”.

“Neymar Jr wuxuu kala soo muuqday koobkii aduunka 2018 qaab ciyaareed aan lala barbardhigi Karin xidigaha Messi iyo Roma, waxaa jira magacyada ciyartoy badan ee aduunka ugu fiican”.

“Wiilkeyga ee ku sugan guriga mar walba wuxuu doonayaa in marka uu weynaado uu la mid noqdo xidigaha Messi, Ronaldo, Mohamed Salah iyo Harry Kane, marna ma uusan ku xusin liiskiisa magaca Neymar”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close