PSG oo dharbaaxo kulul la damacsan Barcelona suuqa Janaayo

(Paris) 22 Sab 2018 Kooxda reer France ayaa doonaysa inay ka hor istaagto Barcelona saxiixa laacibkeeda Adrien Rabiot suuqa Janaayo.

Adrien Rabiot ayaa xaq u leh inuu wadahadal la gali karo kooxdii uu doono bisha Janaayo maadaama qandaraaskiisa ay ka harayso kaliya 6-bil waqtigaas.

Mundo Deportivo ayaa daaha ka qaaday in milkiilaha PSG ee Nasser Al-Khelaifi uu diyaarinayo inuu dalab wayn hor dhigo Adrien Rabiot suuqa Janaayo.

Tababare Thomas Tuchel ayaa kalsooni badan siiyay Adrien Rabiot, wuxuuna ku soo bilaabay dhamaan kulamada kooxda isaga oo xitaa loo xiray kabtanimada kooxda kulan kamid ah.

Barcelona ayaa hordhigtay Adrien Rabiot heshiis uu ku qaadanayo sanadkii 15 milyan oo euro, laakiin heshiiska PSG ay u soo wado ayaa la ogaaday inuu sanadkii ku qaadanayo 20 milyan oo euro.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close