Mourinho oo si weyn u manaanay qaab ciyaareedka kooxda Wolverhampton, kadib barbarihii ay wada galeen

(Manchester) 22 Sab 2018.Tababaraha kooxda Manchester United ee Jose Mourinho ayaa weerar ku qaaday ciyaartoydiisa kadib barbarihii ay la galeen kooxda Wolverhampton horyaalka Premier League.

Jose Mourinho iyo wiilashiisa ayaa waxay markale garoonka Old Trafford isaga qasaariyeen laba dhibcood muhiim ah, kulanka kadib ayuuna macalinka reer Portugal cara xoogan kala dul dhacay ciyaartoydiisa.

“Ma sameynin qaab ciyaareed fiican, natiijada ma ahan mid fiicaan, uma difaactamin sida ugu fiican, mana ku guuleysanin inaan cadaadis saarno”.

“Waxaan filayay in kooxdeyda ay ka fiican tahay sida ay maanta u shaqeesay, waxaan dooneenayay inaan saddexda dhibcood ka qaadano kooxda Wolverhampton”.

“Wolverhampton way naga fiicnaayeen, waxayna u qalmeen in Old Trafford  ay kala laabtaan hal dhibac”.

Si kastaba Manchester United ayaa Old Trafford iskaga lumisay laba dhibcood kadib markii ay barbaro 1-1 ah la gashay kooxda heerka labaad ka soo baxday ee Wolves.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close