Mourinho oo eedeeyay Lukaku iyo Sanchez kadib barbarihii caawa ee Wolves

(Manchester) 22 Sab 2018 Tababaraha kooxda Manchester United ee Jose Mourinho ayaa si dadban u weeraray Lukaku iyo Sanchez kadib barbarihii caawa ee Wolves.

Manchester United ayaa lumisay laba dhibic xili ay garoonkeeda ku marti qaaday kooxda ku cusub Premier League ee Wolves kadib ciyaar ku soo idlaatay 1-1.

Image result for Lukaku Sanchez

Mourinho ayaa sheegay in weerarka kooxdiisu ay awoodi waayeen inay sameeyaan dhaq dhaqaaqii looga baahnaa, wuxuuna intaa ku daray in United ay u qalantay barbaraha.

“Waxaan rumaysanahay in natiijadu ay tahay mid cadaalad ah, way u qalmeen halka dhibic, anaguna waan u qalanay ciqaabta halka dhibic ee aan helnay” ayuu yiri Mourinho ciyaarta.

“Qaab ciyaareed fiican ayaan ka filayay weerarkeena (Lukaku iyo Sanchez) ma jirin dhaq dhaqaaq ku filan iyo xirfad dhanka ciyaartoydeena ah, wax walba fudeeyd ayaan uga dhignay Wolves, uma qalmin wax intaas ka badan”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close