Liverpool oo samaysay Rikoor Taariikhi ah kadib guushii caawa ee Southampton

(Liverpool) 22 Sab 2018 Liverpool ayaa caawa gaartay guul wayn kadib markii ay 3-0 uga adkaatay kooxda Southampton oo marti u ahayd.

Waa guushii 7-aad ee Liverpool ay gaartay xiliciyaareed kaan bilowga ah, waxayna wada badisay dhamaan 7-dii kulan ee ay ciyaartay tartamada oo dhan.

Image result for Liverpool 3-0 Southampton 2018

Waa markii ugu horaysay taariikhda ee Liverpool ay wada badiso 7-da kulan ee ugu horeeya xiliciyaareedka tartamada oo dhan sida ay baahisay Sky Sports.

Liverpool ayaa ciyaartay 6-kulan oo Premier League ah oo dhamaantood ay wada badisay iyo hal kulan oo ay ka ciyaartay Champions league oo isna ay badisay.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close